Taariikda iyo dhacdaooyinka siyaasada ee maalinkasta dhacayaa waxay iftiimiyaa,,,(Mustaqbalka Siyaasadeed ,Kulmiye,Habar Jeclo Iyo Siilanyo)

Filed under: Articles,News/Warka |

Taariikda iyo dhacdaooyinka siyaasada ee maalinkasta dhacayaa waxay iftiimiyaa,,,(Mustaqbalka Siyaasadeed ,Kulmiye,Habar Jeclo Iyo Siilanyo)

 

maqaal

 

 

 

 

Taariikda iyo dhacdaooyinka siyaasada ee maalinkasta dhacayaa waxay iftiimiyaan mustaqbalka siyasadu siduu u akeenayo iyo madaxda mustaqbalku ciday noqondoonto, dimuqraadiyada Somaliland iyo asxaabta badan ee ka hanaqaaday gayiga somaliland waxay iyana ku salaysanyihiin isbahaysi reerood,

Hadaynu dib u jaleecno loolankii ugu danbeeyay ee lagu doortay madaxwayne Siilaanyo waxaa jiray sadex xisbi mucaarid, oo kala ah, Kulmiye, Ucid, iyo Udub,

Kulmiye waxa hogaaminayay Siilaanyo oo kasoo jeeda beesha Habar jeclo, Ucid waxa hogaaminayay Ciida gale ama Garxajis, Udub waxa hogaaminayay Gadabuursi, sababta ugu wayn ee uu ku guulaysatay Kulmiye waxa layidhaa waxa weeyi heshiisyadii lagu soo gaadhay shirkii Gar,adag, taasi oo ay beesha Habarjeclo ay go,aan ku gaadhay inay isgaashaanbuuraysi la samayso reeraha aan xisbiyada aan madax ka ahyn oo ay ugu awood badnaayeen beelahaasi beesha Sacad Muse iyo beelaha darafyada sida Gaddabursi iyo Harti, taasi oo ay kaga guulaysteen labadii xisbi ee la tartamayay, waana sababta suurta galin doonta cida guulaysanaysa sedexdani xisbi ee tartamaya, dhanka kale waxa jira xifaaltan siyaasadeed oo ka dhexeeya labada beelood ee Burca wada daga ee Habar yoonis iyo Habar jeclo taasoo markasta laga dheehan karo silsilada siyaasada, Wadani waxa uu ka midyahay xisbiyada kusoo biiray saaxada xisbiyada waxaana hogaamiya C/raxman Maxamed C/lahi oo kasoo jeeda beesha Habar yoonis iyadoo siyaasiyiinta beeshaasi kasoo jeeda kuwooga ugu miisaanka waynina ay ku biyo shubteen xisbigani kuna biireen horaantii sanadkani, Wadani waxa uu badalay oo uu meesha ka saaray Xisbigii Udub oo ay taageerada ugu badana ay siin jireen beesha Habar yoonis kuna tiraabi jiray dhab libaax ayuu ku hurdaa Rayaale markuu xilka hayay, wadani waxa uu diyaar u yahay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushanyahay siduu u badali lahaa xisbiga Kulmiye 

oo ay saamaynta ugu wayn ku leeyihiin Habar jeclo oo hore usoo dhaafisay madaxtooyada beeshani soona dhigtay dibada,

Kulmiye wali kamuu dhamaan isbaaroyinkii Doorashada walina waxa u hadhsan doorasshooyin doora oo la filayo in dhawaan la qabto, shirarkaaso u baahan xeelad siyaasadeed iyo tashi u suurta galiya inuu Kulmiye sii haysto hogaanka dalka, beesha Habarjeclo waxa la sheegaa inay abuureen taariikh meeleeyeen dhalinyaro badan abuureena ganacsiyo horleh, taasoo ay suurta gal tahay in la baabi,in doono waxba kama jiraana laga dhigi doono taariikhdaasi, laba dhinac oo qabsada uunbaana ka dhigi kara

  1. Xisbiyadda mucaaridka oo qabsada hogaanka gaar ahaan Wadani.
  2. Iyo xisbiga Kulmiye oo mar labaad guulaysata oo uu madax ka noqdo nin aan u .

dhaga nuglayn ixtiraamna u hayn Siilaanyo iyo Habar jeclo.

Hadab Habar jeclo ma u leedahay awood iyo aqoon Siyaasadeed ama mala iman doonaan loolan siyaasadeed oo ay ku badbaadin doonaan taariikhdoodaasi kagana ilaaliyaan labadan dhinac, waxayna haysataa hal jaanis oo ay la yimaadaan waayo iyagaa haysta Madaxwaynihii dalka awoodna ku leh inay kasoo saaraan Xisbiga Kulmiye murashaxa u tartamaya Madaxwaynaha mustaqbalka,

Ifafaalaynta murashaxa xisbiga Kulmiye iyo siday utaalo siyaasadu iyo waxa laga rajaynayaa waa seddex miduun inay ka suurta gasho.

  1. Inay habar jeclo dib ugu soo noqoto xisbiga kana noqoto murashaxa madaxwaynaha iyagoo Gudoomiye ka dhigaya nin Sacad Muuse ah oo iyaga ogol.
  2. In nin Sacad Muuse ah oo aan u hogaansami doonin Habarjeclo uu ka naqdo Gudoomiye iyo Murashaxba.
  3. In nin Sacad Muuse ah oo ogol Habarjeclo uu ka noqdo Gudoomiye iyo Murashaxba.

Taariikhda Habarjeclo sedexdani mid uunbay ku badbaadaysaa kuna sii jiraysaa midaas oo ah tani ugu danbaysa oo ah nin Sacad Muuse ah oo ogol danahooda, haddii kale saaxada siyaasada way ka bixi doonaan oo hadii ay Habar jeclo mar labaad hungurayso murashaxa Xisbiga Kulmiye iyagoo isticmaalaya inay isku garaacaan Siyaasiyiinta Sacadd Muuse, waxa burburaya aaminaadii laga qabay beesha Habarjeclo waayo abaal wayn ayaa loo galay gaar haan Sacad Muuse u galeen iyagoo rajaynaya inay habarjeclana markooda soo celiyaan abaalkii kuna garab istaagaan sidii ay hogaanka dalka u qaban lahaayeen,, waxaana hubaala in beesha Sacad Muuse ka dareeri doonto Kulmiye kuna biiri doonto xisbiyada kale iyagoo ay dantoodu tahay inay maruun ka aar goostaan Habarjeclo soona dhaafiyaan Madaxtooyada Kulmiyana looga tagi doono Habarjeclo oo kaliya beelaha kale ee ku jiraana ay suute suute uga bixi doonaan iyagoo u arki doona inayna wax abaal loo galo ayna ahayn beeshani, taasina ay jaanis u noqon doonto beelihii uu xifaaltanku ka dhaxayn jiray hubaalna ay tahay in taarikhdooda la masixi doono.

Hadii ay habarjeclo ka seexato hagida siyaasada Kulmiye oo uu kusoo baxo murashax Sacad Muuse ah oo aan la saaxiib ahayn iyaga una dhaga nuglayn siyaasadooda waxa dhici doona in ay meesha ka baxdo taariikhdoodu lana galo dagaal uu ku tirtirayo 

danahoodoo dhan, dhabarjabna ku noqon doonto Habarjeclo.

Hadii ay habar jeclo la timaadu maskax furan oo ay taariikhdooduna kusii jiri doonto waa inay xisbiga Kulmiye kasoo saaraan kuna garab istaagaan inuu Murashax ka noqdo kulmiye nin Sacad Muuse ah oo ka agdhaw iyaga ogolna siyaasadooda lana saaxiib noqon karo oo dhagaysan kara Siilaanyo suurta galna ka dhigi kara in Habar jeclo kasii muuqato Madaxtooyada iyo ilaha dhaqaalaha, ugana dhawaan karaan cidwalba kuna dhabarjabin doonaan  beelaha uu xifaaltanku ka dhexeeyo.

Tani waa mid u taala beesha Habar jeclo inay garato baaxaadagan siyaasadeed lana timaado xirfad siyaasadeed oo heersaro ah una suurtagalisa inay sii jiraan,  kala doortaana sedexdani arimood midkood waxxaana ka marag kici doona taariikhda dhaw ilaahoow na gaadhsi oo na tus.

 

Allah Mahad leh.

 

Qore: Fu,aad Cabdi abdi laahi. {Qurbaawi}

No: 0634885666