Qormadii 5aad oo ku-saabsan Dhaqaalihii Somaliland oo Waayey Sadexdii TA ( Tashiil-Taxliil-iyo Turuq ) :- By A/rahman fidhinle intensive PA- London- UK.

Filed under: Articles |

 

maqaalmaqaal

Dakhliga Miisaaniyadu Sidiisaba  waa mala-awaal cilmiyeysan (educated guess) oo ku saleysanQiyaas (projections) kuna saleysan Mar-kasta xaalada dhaqaale ee wadanka taal.Taas oo ku saleysan Xaalada taagan markaa  iyo ta-soo-socota  . Marka la isla meel-dhigo  dakhliga ayaa dabeetana laga fuudh-yeelaa baahiyaha markaas jira iyada oo mud-naanta loo siinaayo sida ay kolba u-kala mu-hiimsan yihiin una kala horeeyaan (Prioritize).  Haba waxa aan Caad-saarneyn in aaney tani ka muuqan miisaniyada ay Xukuumada Siilaanyo oo dhoob-dhoobtey sanadka 2013 ee ay cirka ku-shareertey si ay Shacabka tabaaley ee Baahan ee reer Somaliland ay Hiyigooda u-Xado  oo ay Quluubtooda u-kasbato.

 
Madax-weyne Siilaanyo Wuxuu Khudbadiisii Sanadlaha aheyd uu  kaga  dhawaajiyey  in Waqtigii ay Xilka la wareegeen ay Miisaaniayada Somaliland aheyd 50 Milayan oo Dollar Sanadkan 2013 ay Sadex-laab ka badan tahay oo ay tahay 170 Millyan oo Dallar.
 
.
Waxaa ay Xukuumadani  ay caadeystay ina aaney soo bandhigin kharashka runta ah (actual) ee baxay sannadkii hore si loo ogaado loona naqdiyi karo faraqa (deficit or surplus) u dhaxeeya miisaniyada mala-awaalka ah (estimate) iyo kharashka runta ah (actual). Mar haddiitaa la waayo oo ay noqoto Miisaaniyad mala-awaL ah iyo Mala-Awaalkii miisaaniyadii Sandkii hore oo hadana la  bar-bar dhigaayoMala-awaalka Miisaaniyada sanadkan cusub wax qiima ah oo ay ku fadhiyeysaa  ma jireysoArintani waxay keentey in dhaqaalihii Wadanka oo Afar-laabmey Sanadkan uu hadana weli Yahay mid-Hubux-saaran yahay oo aan Runta laga sheegin  oo aan Wax-buuran oo la taaban karo wadanka u-Hilaacin.kuna soo kordhinin, Taas oo Xeel-dheerayaasha Dhaqaalaha iyo wax-garadkaba caadka uga qaadeysa in Dhaqaalaha wadanku uu toobiye khaldan ku-socdo dhakh-sana u-turun-turoon-doono maadaama uu-Seegay sadexdii TA oo laka ah ( Tashiil, Taxliil iyo Truqba)
Waxay aheyd in odoroska Miisaaniyada loo soo xulo xeel-dheerayaal-Debedeed iyo mid maxaliba si ay isu-maskax-tuujiyaan ka dibna ay aqoontooda weel-ugu shubaan oo u-cabsiiyaan Hawl-wadeenada  madaxa adag ee shaqadan loo igmadey. aynu hadaba ku-soo noqono Sadexdeenii TA.inaga oo soo koobeyna laakiin sibirta u-yara -saareyna Xogta iyo
Xaqiiqda maanta wadanka Somaliland ka jirta.
 
1- Tashiil- ( saving) Nasiib-daro Wadankeenu hada wuu ka aradan yahay oo malaha wax-keyd aduun ah oo buuran, waxaana  u-daliila Duruufaha nololeed iyo Sicir-bararka marba marka ka danbeeya isa soo taraaya ee Cirka isku shareeray oo Dawladu kaalin teedii ka Gaabisey.Kadib markii wadanku waayey Madax-daacad ah oo Lexe-jeclo ka leh sidii Wasiirkii hore ee Maaliyada Mohamed Xaashi Cilmi  oo Taariikh iyo Rikoodh wax-qabad oo lataaban karo kaga tegay Wasaarada Maaliyada  Xukuumada S/land ee hada jirta.
 
2- Taxliil- Waxaa kale oo meesha ka maqan oo dhaqaalaha Somaliland u-baahan-yahay Xeer-dheerayaal Qof iyo laba ka badan oo aqoon buuxda u-leh Dhaqaalaha oo  soo nidaaamiya oo kantaroola Dhaqaalaha ummadda ka dhaxeeya oo hadda noqdey mid  la-fadhanaayo oo aad loo  fu-teynaayo.
 
3-Turuq ama (Jump start)  ama Jug uu isku taago si aanu u-liicin Jugtii lagu istaadhi-lahaa dhaqaalaha yar ee Somaliland ayaa isna lala Baal-marey Sida lacagta Dekeda Berbera oo toos Madaxtooyada u-gasha, Lacagaha Haamaha shidaalka, Lacagaha laga Qaado Shirkadaha Baadha kheyraadka Ma-guuraankaah ah sida kuwaKaluunka iyo Kuwa Batroolka Baadha oo iyana intii ay Xukuumadani jirtey aad loogu tagri-fakey oo loo lun-sadey.
Ceebaha aaney tebin ee Xukuumada Siilaanyo  Dul-hoganaaya waxaa ka mid-ah Kharajaka Martiqaadyada ( Entertainments) oo ay ku-jiraan  kharajka  Tigidhada iyo Hudheelda ay kolba wadan isu daba-yaacaan wuxuu ka badan yahay Miisaaniyada  Xeer ilaalinta, Qorsheynta, Beeraha, Xanaanda Xoolaha iyo Cadaalada taas oo ahAqoon-daro iyo Ceebeey Tacaal !! Hadaba markaad u-fiirsato baahiyaha dhaqan-dhaqaale ee is-barkan ee haysata Dan-yarta Somaliland, Sicir-bararka isa soo taraaya iyo heerka nolosha ee ay danyartu  taxadka ku sii socoto, Markaad Mucaadinow u-fiirasato Dayaca Ba’an ee ka taagan Degaanka Somaliland oo maanta Ciida ama carada degaanada Somaliland 30cm ee ciida ugu sareysa ee ay nolosha Bi’aadanku -ku xidhneyd  ay nafaqadii ka dhamaatey oo Nabaadguurey. Markaad u-fiirsato Dayaca Ba’an ee Haysta Xoolaha Somaliland eeNolosha Ummadu ku-xidhan-tahay Waxaa Marag-madoonto ah in xukuumadii ummaddu Dooratey ay Hagratey oo ay Noqotey Hogaan habacsan oo aan laheyn ( Coaches) iyo Xeel-dheerayaal  wanaagsan oo tubta u-saara Toobiyaha toosan si aaney u-taraarin oo aaney u-turunturoon.
 
Waxaa wax-garadka Wadanka oo wadanaha farta ku-hayaa uu isku raacey in aaney Xukuumadani  aheyn mid-dadaal badan oo digtooni badan oo la sii dugsan karoIn aaney Xukuumadu  aheyn mid-Garwaaqsatey Duruufaha kala duwan iyo Baahiyaha is barkan ee ku-habsadey shacabka saboolka ah ee Somaliland , in ay Tahay Xukuumad Muraayad Madow ka gashatey Xog- Ogaantii iyo xogo-gaalnimadii Heerka nolosha ee Bulshadu kolba mareyso.
 
Geba-Gebo:  Horumarka Dalku Waa Halbowlaha kowaad ee Ummadda , Waxaa hadaba Xukuumada Siilaanyo Looga Fadhiyaa  In ay Ummadda u-Cadeyso. Faraqa 4-Laabka ah ee U-dhaxeeya labada miisaaniyood ee Midna ahaa  50 ka Millyan Dollar iyo kan Imminka ay Mala-awaalatey ee ah 170 Millyan ee Doolar  Mashaariicda Baaxada Leh ee ay ugu Talo Gashey shacabka Gaar-ahaan Dhalinyarada shaqo la’aantu ragaadisey, si loo arko Isbedelkii ummaddu ku soo tacabtey. Taas oo ummadda Reer Somalilandna U -furi lahaa  Daaqadihii Rajada oo hadda wada-xidhmey.
maqaalmaqaal
Alleh ayaa mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-laahum-aclum Wa-Bilaahi-Tawfiiq.
A/rahman fidhinle
intensive PA-
London- UK